 | Navigation |  |
 | Live Radio |  |
 | Random media |  |




 | Somali Links |  |
|
 | Articles & Opinion |  |
 | Wararka Maanta
|  |
|  | News in English |  |
|  | Dhacdooyinka Caalamka |  |
|
| Xukuumadda Itoobiya oo taageertay in la doorto madaxweyne aysan wax shaqo ah ku laheyn Mucaaradka la midoobay dawladda. |
| Wasiirka arimaha dibadda ee xukuumadda Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa isagoo ka sagootinaya hogaamiyeyaal Somali ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis Ababa waxaa uu kula dar daarmay in ay soo doortaan madaxweyne Cusub ayna meel iska dhigaan arrimaha heshiiska Jabuuti. |
| Sheekh Aweys oo sheegay in ay ku biiri doonaan garabka Jabuuti haddii xaalku adkaado. |
| Hogaamiyaha Isbaheysiga Xoreynta ee garabka Asmara Sheekh Xasan Dahir Aweys aya shaaca ka qaaday haddii cadowgu kusii xoogeysto dalka in ay ku biiri doonaan garabka Jabuuti ee Isbaheysiga,balse hadda ay ku kala tageen mabda' sidaasi darteed aysan isku imaan doonin. |
| Isbaheysiga Xoreynta garabka Jabuuti oo waji gabax kasoo wajahday siyaasadahiisa ku aadan bixitaanka Itoobiya. |
| Isbaheysiga Dib U Xoreynta garabkiisa Jabuuti ee uu hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waji gabax kasoo wajahaya siyaasadahooda ku aadan bixitaanka Ciidamada Itoobiyaanka iyadoona ay hadda muuqaneyso in ay weynayaan niyaddii shacabka ay u hayeen balan qaadyadooda kadib guul darrooyin is xig xigsaday. |
| Degmada Diinsoor oo gacanta u gashay Ciidamada Itoobiyaanka,iyo baaritaano halkaasi ka soconaya. |
| Warar goor dhaweyd naga soo gaaray degmada Diinsoor ee gobolkaasi Bay ayaa sheegaya in ay halkaasi galeen cidamo badan oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo ku hubeysan gawaarida gaashaaman iyadoona ay ka bilaabeen magalada baaritaano xoogan. |
| Yuusuf Daba Geed iyo Aadan Garaaso oo huwan magaca Ahlu Suna Waljameeca oo kusoo wajahan magaalada Balad Weyne. |
| Masuuliyiinta maamulkii dawladda KMG ah ee laga cayriyay gobolkaasi Hiiraan ayaa xalay soo gaaray degaanka Kala Bayr ee gobolkaasi iyadoona ay la socdaan Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah,waxaana ay sheegeen in Balad Weyne ay kusoo gali doonaan magaca Ahlu Suna Waljamaaca. |
| Axmed Diiriye oo ka warceliyay hadallo Waagacusub faafiyay oo Diiriye ugu goodiyay Abu Mansuur. |
| Afhayeenka odayasha dhaqanka ee Hawiye ayaa been aan sal iyo raad toona laheyn ku sheegay warar ay baahiyeen bogga Internet-ka ee Waagacusub kuwaasi oo sheegayay in Axmed Diiriye uu weerar ku qaaday Abu Mansuur isla markaana ku dhaliilay Al-Shabaab qaab beeleed. |
| Garabyo muhim ah oo ku midoobay magaalada Muqdisho. |
| Garabyada Maxkamadaha Islaamka ee Dr Cumar Iman,Jabhadda Islaamiga,Mucaskarka Raskambooni iyo kuwa Caanoole ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho in ay midnimo buuxda wada gaareen. |
 | Latest Active Forum Threads |  |
 | name |  |
|
 | Login |  |
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
| |

   


 
 | Users Online |  |
Guests Online: 421
Members Online: Afrax, gallad
Registered Members: 630
Unactivated Members: 1
Newest Member: omar mursal
| |
|